
Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Amniga Teendhada Afisiyooni, halkaas oo la filayo inay kulan ku yeeshaan Madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka kajira.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uu Amniga halka uu ka dhacayo shirka uu kala hadlay Madaxda dowlad Goboleedyada & Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, isla markaana Amniga guud & howlaha kale ee loo baahdo ay diyaariyeen AMISOM.
Kulanka oo uu habeeno ka hor uu ku baaqay Madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu yahay mid lagu dhameystirayao heshiiskii 17-kii September iyo kii Gudiyada Farsamada ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhamaan ku sugan Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana saacadihii la soo dhaafay sooo baxayay in shirka uu Manta baaqan karo, kadib markii Madaxweynaha Puntand uu sheegay in shirkaas uusan waxba kala socon, sidoo kalena Ciidamo lagu hareereeyay, hayeeshee ay soo farageliyeen Wakiilada Beesha Caalamka.
Ammanka wadada u dhaxeeysa Xerada Afisiyooni iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda oo wadooyinka taagan, kuwaas oo ilaalinaya Madaxda Sare ee dowladda ee shirka ka qeyb galaya.
Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka ayaa isha waxaa ay ku hayaan Shirka ka furmaya Teendhada Afisiyooni, kaas oo la filayo in heshiis looga garao arrimaha doorasooyinka dalka.