
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay qoraal ahaan u shaacisay Wasiirka Gargaarka xukuumadda xilgaarsiinta Khadiija Maxamed Diiriye kadib markii ay maanta booqatay Qabriga Jaalle Maxamed Siyaad ee magaalada Garbahaarey, Gobolka Gedo.
Wasiir Khadiijo oo muddooyinkii danbe ku caan baxday guulwadeyn iyo taageere aan hore loo arag inay u noqotay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoralkeeda ku tiri: &WAXAAN SOO SIYAARANAY QABRIGA AABE SIYAAD ALLOOW U NAXARIISO INSHA ALLAAH.
C/raxmaan C/shakuur ayey muddo 30 daqiiqo ah ku qaadatay inuu jawaab kulul ka bixiyo isagoo qoraal kooban ku yiri: &Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin.