Mahadaay:-Ururka Al-Shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa dhowr jiho ka soo weeraray Mahadaay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhex maray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Mahadaay waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ee magaalada laga saaray ay u isku uruursanayaa saldhigga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay.

Degmada Mahadaay ayaa qiyaastii 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.