Wasiirkii amniga maamul goboleedka Jubbaland Cabdirashiid  Xasan Cabdinuur Janan oo mar ahaa nin baxsad ah oo dowladda baadi goobeysa  ayaa si rasmi ah heshiis ula saxiixday dowladda Federaalka Soomaaliya….
Janan iyo ciidamo uu wato ayaa soo gaaray hadda  Tuulada Najax oo hoostagta degmada Beledxaawo, waxaana lagu soo warramayaa inuu la kulmi doono taliyaha nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo wasiiro ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo halkaas gaaray  , si loo dhameystiro wada-hadallada labada dhinac.
Wasiirkii amniga Jubbaland ayaa wata  illaa 11 gaadiidka dagaalka ah oo haatan jooga Tuulada Najax oo lagu ballamay inay isugu yimaadaan labada dhinac, gaar ahaan Janan iyo wafdiga ka socda dowladda dhexe.
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa dhowr qodob  la gaaray dowladda Feederaalka Soomaaliya.
Janan ayaa sheegay in dowladda Federaalka uu heshiiska galay isaga oo ah Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland, ayna la socdaan Ciidamo gaaraya ilaa iyo 400 oo Askari iyo 36 gaari oo nooca dagaalka ah.
Wasiirkii hore ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka la socda ay la wareegeyso dowladda Federaalka, waxaana heshiiska Janan iyo dowladda ay wada gaareen uu ahaa qodobadan:
1-In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland.
2- In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.
3-In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya
4- In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay
5- In uusan siyaasadda ka bixi doonin
Waxaa la filayaa in isla maanta in loo soo qaado magaalada Muqdisho si uu kulan ula qaato madaxda dalka iyo taliyeyasha ciidamada.
Xogo aan helnay ayaa sheegay in Janan loo adeegsan doono Axmad Madoobe islamarkaana uu gacanta ku dhigo deegaanada ku hareereysan Kismaayo isaga oo taageero dhaqaale iyo mid ciidan ka helaya dowladda Federalka.
Â