× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
Agaasimaha Guud ee W.W.S oo furay tababar ku saabsan tebinta arrimaha Doorashooyinka+Sawirro
WARKA

Agaasimaha Guud ee W.W.S oo furay tababar ku saabsan tebinta arrimaha Doorashooyinka+Sawirro

Muqdisho:– Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Naasir Xuseen Xasan ayaa tababar ku saabsan tebinta doorashooyinka u furay wariyayaal ka ka socda warbaahinta dowlada, kuwa dowlad goboleedyada, gobolka iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Mudada uu tababarka socda waxaa warfidiyeenada gudaha lagu barayaa qaabka loo tabiyo wararka la xiriira hannaanka doorashooyinka lugu wado in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha tababarka in ay ka faa’ideystaan aqoonta tababar,islamarkaana si wanaagsan u dhuuxaan si ay beri Bulshada ugu soo tebiyaan warar hufan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.

About Author

2

Abdi Malik