Kutlada Xildhibaanada la baxay Badbaado Qaran ee labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Kutlada ayaa soo dhoweysay Golaha Badbaado Qaran oo ay ssheegeen inay tahay Madal u taagan badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah sidii dalka ay uga dhici lahayd.
Xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay inay saxiixeen Petition ay ku caddeynayaan mowqifkooda sida dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarka ku soo fool leh. Waxayna baaq u dirnay dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya.
Waxay digniin u direen saraakiisha dowladda ee ay sheegeen inuu Maxamed Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka, taasinaaysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka, sida ay hadalka u dhigeen.