Shirka MD Farmaajo & 3-da M/goboleed oo maalintii 3-aad galay, Xilli cadaadis xooggna uu jiro

14

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka ayaa maalintii Saddexaad galay, xilli shalay Warbixin laga dhageystay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka.

Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ujeedka shirkan wuxuu yahay dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta Heshiiskii 17-kii sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

 

Share Your Comments.