DEG DEG:Shir Xasaasi ah oo xalane uga socda Madasha Badbaado Qaran+Sawirro

15

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka Soomaaliya, Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi oo la baxay Madasha Badbaado qaran ayaa goordhow shir uga furmay Hotel ku yaalla aaga Xerada Xalane.

Kulanka ayaa la filayaa in xubnahan ay uga hadlaan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo shirka maalintii labaad galay ee ka socda Muqdisho kaas oo aysan ka qayb-galin Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland oo shirka lagu waday inay qayb ka noqdaan.

Waxaa sidoo kale la filayaa iney soo bandhigaan caqabadaha hor yaala ka qeyb galkooda iyo shuruudo ay wataan kuwaa oo ay aaminsan yihiin in la’aantood shirka uusan micno u laheyn.

Madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu daro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay DF u matali doonaan iyo arrimo kale.

Waxaa xusid mudan in maanta uu soo gabagaboobay kulankii Afasiyooni uga socday Farmaajo iyo madaxda taabacsan kaa oo Qaramada Midoobay ay sheegtay inuu yahay mid hal dhinac ah islamarkaana aan loo baahneen kulan laga maqanyahay.

Kala soco Warqaad wararkii ugu dambeeyay arrimaha doorashada gaar ahaan shirka Afisiyooni.

May be an image of one or more people and people standing

May be an image of one or more people and people standing

May be an image of one or more people, people standing and people sitting

Muqdisho-Somalia                

Share Your Comments.