Turkiga oo duqeymo ka fuliyay gudaha dalka Suuriya.

11

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay duqeymo ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya.

Duqeymaha ayaa lala bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kurdiyiinta ee lagu magacaabo xoogagga Dimuqraadiyada Suuriya.

Hay’adda xuquuda aadanaha ee la socodka xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in weerarkan diyaaradaha uu ka dhacay (Saida) oo ka tirsan deegaanka Ain Issa.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo muddo 18 bilood ah ay fuliyaan militariga Turkiga.