Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya waxaa Maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan guddiyadii farsamo ee heer wasiir,islamarkaana shir horay ugu yeeshay Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in kulankaan uu yahay mid loogu go-gol xarayo shirka wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda,dowlad gobaleedyada iyo gobolka Banaadir,kaas oo caqabado badan ay ku xeeranyihiin.
Guddigaan ayaa la filayaa in ay la kulmaan garabyada isdiidan oo ay ka mid yihiin madaxda dowladda iyo maamul gobaleedyada,iyaga oo kala hadli doona in la dejiyo xisadda,islamarkaana wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal.
Haddii guddigaan ay ku guuleystaan in ay isku keenaan labada dhinac waxaa yaraan doona culeyska Siyaasadeed ee la xiriira qabasho doorasho six or iyo xalaal ah ku dhacda.