Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay soo afjaraan khilaafka ka dhashay heshiiska doorashada kaddib kulanka lagu wado in 15-ka bishan uu ka dhaco magaalada Garowe.
Waxay ka digeen Beesha Caalamka dib u dhac kasta oo ku yimaado shirka looga hadlayo arrimaha doorashada.
“Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.
“Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay”