Kenya iyo UK ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah kaddib markii Nairobi ay ku kulmeen xoghayaha gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Dr Fred Matiang’i iyo wasiirka gaashandhigga Kenya, Monica Juma.
“Heshiiska wuxuu ka dhigayay in Kenya iyo UK ay ka go’antahay xoojinta iskaashiga dhanka la dagaallanka halista Al Shabaab, dambiyada internetka, tahriibinta dadka iyo xoojinta amniga gobolka”
Labada dal waxay iska kaashan doonaan sidii ay isugu gudbin lahaayeen xogta la xiriirta kooxaha aragagixisada ah iyo sidii cunaqabateyn loogu soo rogi lahaa dadka dhaqaalaha ku taageero, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda UK.