XOG: Maxay tahay sababta uu Sheikh Shariif u diiday Doodda Heritage ee Garowe?

72

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa diiday inuu ka qeyb galo Doodaha Machadka Heritage uu ku qabanayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, Doodaas oo looga hadlayo “ Sidee looga bixi karaa kumeel gaarnimada Daba-dheeraatay 2025-ka?

Sheikh Shariif ayaa sheegay iney u yaalaan howlo badan oo ka muhiimsan shirka, sidaasina uu kaga baaqday,sida xogta igunala wadaageen xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran oo uu shariifka hoggaamiyo.

Inta badan madaxda Xisbiyada dalka ayaa ka qeyb galaya shirka kuwaas oo diidan hanaanka loo maray habraaca doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa Dooddaas ay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo lagu xalin kari khilaaf ragaadiyay dalka.

Taa badalkeeda, sida wararka aanu ku helnay Sheikh Shariif ayaa Muqdisho ka sii wadi doono kulamada looga soo horjeedo Dowladda Federaalka loogana soo horjeedo Guddiga Doorashooyinka ee lagu murasan yahay.

Sidoo kale, Dooddaha Machadka Heritage ee Garowe waxaa sanadkan ka qeyb galaya inta badan madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo qaarkood khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo.

Xaaladda dalka ayaa haatan meel xasaasi ah maraya, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal sokeeye dib loogu noqday haddii aan wax iska bedelin sida ay haatan wax ku socdaa.