Xasan Sheekh oo ka hadlay ‘caqabadaha’ ku hor gudban Doorashada dalka.

64

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Madasha Aragti-Wadaagga ee ka socda Garoowe ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo muranka kajira doorashooyinka.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in mar kale la isu yimaado oo laga wada tashado arrimaha kajira dalka oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashada oo weli uu muran ka taagan yahay, xilli muddo xileedka Madaxda Dowladda oo gebo-gabo yahay.

“Dowlad dhisidda Soomaaliya waxa ay soo martay heerar kala duwan tan iyo markii uu bur burka dhacay, iyadoo shirar badan lagu qabtay dalka Jabuuti iyo kuwa kale, waxaana la sameystay cahdi KMG ah, muddo kaddib sanadkii 2012 waxaa lagu heshiiyay nidaam dastuur ah oo dhigaya in la qaato Federaal, iyadoo Dastuurka si KMG ah loo ansixiyay”.ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dastuur waa qabyo dhamaystir ayuu u baahanyahay, si ku meel gaar ah ayaa loo anxiyay waa in la helo daganaan siyaasadeed” ayuu hadalkiisa yiri.

“Xukunka dimuqoraadiga ah marwalba waa midka ku salaysan rabitaan shacabka ee ay ku doortaan qofka ay rabaan, kuna sii haystaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis doorasho gaareen, balse dhaqan gelinta la isku haayo, waxaana uu xusay inuu aaminsan yahay in caqli kale uu soo kordho, si loo wada tashado.