Shirka Aragti wadaaga Machadka Hiratage oo saacadaha soo socda ka furmaya Garoowe =Siyaasiyiinta ka qaybgalaysa=

54

Shalay Gelinkii dambe ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal uu ka furmo shirka Aragti wadaaga Machadka Hiratage, hayeeshee sababo la xiriira hoolka lagu qaban lahaa Shirka oo dadka la casuumay qaadi waayay ayuu u baaqday.

Maanta oo Arbaco ah aya la filayaa in Magaalada Garoowe inuu shirka ka furmo, waxaana ka qeyb-galaya, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada, Xubno ka mid ah Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada rayidka iyo dad kale oo lagu casuumay.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa Soomaaliya, waxaana muddo Saddex Cisho oo uu socon doono sanadkaan looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Inta badan madaxda ka qeyb-galeysa Shirka ee ku sugan Magalada garoowe, ayaa xalay waxaa ay yeesheen kulamo gooni gooni ah oo ay uga arrin sanayeen xaalada dalka iyo marxadda kala-guurka ah ee lagu jiro.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Amniga, kuwaas oo baaritaano ku sameynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan