
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.
Shirka ayaa Maanta waxaa ka qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Gudiga Amniga, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad, Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Hirshabeelle, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Ciidanka Haram cad ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixinta todobaadlaha ee xaaladaha Amniga ka dhageystay Saraakiisha Hay’adda Amaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyaga oo la wdaagay howlgalo ay todobaadkaan sameeyeen Qeybo kamid ah Degmooyinka Hirshabelle gaar ahaan Jowhar.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga shaqada adag oo ay umadda u hayaan, isaga oo ugu baqay inay dardar geliyaan.