Sacuudiga oo Xukun Xabsi ah Ku Riday Haweeney u Ololeysa Xuquuqda Haweenka.

57

RIYADH:-Loujain al-Hathloul oo ah haweeney caan ka ah dalka boqortooyada Sacuudi carabiya una u ololeysa xuquuqda haweenka dalkaas ayay maxkamad ku ridday xukun xabsi ah oo dhan 5 sano iyo siddeed bilood.

Sida ay ku warramayso warbaahinta dalkaas haweeneydan ayaa lagu eedeeyay in ay u ololeynaysay in la beddelo nidaamka maamulka dalkaas taas oo ay dowladdu u aragtay in ay dabada ka riixayaa ajandayaal dibadeed oo qarsoon.

Loujain oo 31 jir ah ayaa aad loogu xasuustaa sidii ay ugu ololeyn jirtay in haweenka dalkaas ay xaq u leeyihiin in ay kaxaystaan gawaarida iyaga oo kaligood ah.

 Sacuudiga ayaa haweeneydan iyo kuwo kale oo arrimaha haweenka u dooda xabsiga u taxaabay sanadkii 2018-kii.

Hay’adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha u dooda waaxay marar badan Riyadh ka codsadeen in Loujian la sii dayo.

Xukunka Loujain ayay ridday maxkmadda dambiyada dalka Sacuudiga oo lagu qaado fal-dambiyeedyada waaweyn oo ay ka mid yihiin argagixisada.

Loujain iyo qoyskeeda ayaa ku gacanseydhay dhammaan eedeymaha maxkamaddu u cuskatay xadhigga gabadhan dhallinyarada ah.

Sidoo kale waxay qoysku sheegeen in gabadhooda aad loogu jirdilay intii ay xabsiga ku jirtay arrintaas oo ay maxkamaddu gaashaanka ku dhufatay.

Loujain al-Hathloul ayaa xabsiga loo taxaabay toddobaadyo ka hor haweenka Sacuudiga inta aan darawalnimo loo oggolaan sanadkii 2018-kii, arrintaasi oo ku timid ololihi ay iyadu billowday.

In kabadan 30 dal oo xubno ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliilay Sacuudiga, iyaga oo ku eedaynaya dumarka ay xirxireen ee u ololeeya xuquuqda haweenka.

Soo hadal qaadka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga ayaa sare u kacday tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii saxafi Jamaal Khashoqji ee magaalada Istanbul ka dhacday Oktoobar 2018-kii.