Qorshaha Biyaha Dawlada Djibouti iyo Ceelasha Dooxa Bariisle..!!

74

 
 
7 March, 2012 wefti uu hogaaminaayo wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee Jabuuti Dr, Fu`ad Axmed Aye, ayaa socdaal ku tegay deegaanka ceelasha Dooxa Bariisle oo ku yaala duleedka Lawyacado, halkaas oo ay ku yaalaan Ceelal la rabo in biyaha looga qaado Magaalada Jabuuti,
 
Wasiirka ka socday Jabuuti ayaa masuuliyiinta Lawyacado ee Somaliland u sheegay inay doonayaan sidii biyaha ceelasha Bariisle loo gaadhsiin lahaa Degmada Dameer Joog ee Jabuuti, isago xusay in Biyaha ceelashaDooxa Bariisle yihiin kuwo Jabuuti oo dhan ku filnaan kara, balse qorshaha ay hada wadaan yahay in Degmada Dameer Joog la gaadhsiiyo
 
8 March. 2012 wefti uu hogaaminaayay wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa booqasho ku tegay dalka Jabuuti, markaas oo ay taagna khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay markii la celiyay dhowr jeer weftiyo ka yimi dhinaca Jabuuti kuwaas oo rabay in ay dhinaca xuduuda ka soo galaan Somaliland
 
Qorshaha ay dawlada Jabuuti rabtay in ay biyaha kaga qaadato ceelasha Bariisle, ayay mudo dheer ku fikiraysay waxana halkaas tegay dhowr jeer aqoonyahano ku takhasusay dhinaca Biyaha
Dawlada Djibouti, ayaa Ceelal biyood ka hirgelisay Deegaamo ka tirsan Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ceel-Gaal iyo Karuure sanadkii 2011.
 
14 Nov,2020 waxa xarunta wasaarada Biyaha Somaliland ee Hargeysa lagu kala saxeexday heshiis dhinaca biyaha ah oo ay dawlada Jabuuti, rabto in biyo lagu gaadhsiiyo deegaanka Dameero Joog iyada oo ceelal laga qodaayo Dooxa Bariisle,
 
Xukumada uu madaxda ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa laga sugaya in ay shacabka usoo bandhigto heshiiska Biyaha lagu gaadhsiinaayo dalka Djibouti, sido kalena xukumada waxa looga fadhiya in ay Golayaasha
W/Q, Jamaal Ibrahim Maxamed
Hargeysa
mustaqbal17@gmail.com