Qaraxyo & rasaas laga maqlay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadan+Wararkii ugu danbeeyay

46

Qaraxyo waaweyn iyo rasaas ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha ee Cadan wax yar ka dib, markii diyaarad siday Xubno Wasiira ah oo katirsan dowladda Yemen ay ka keentay  Sacuudi Carabiya, sida ay sheegayaan goob joogayaal.

Xubnaha golaha wasiirada, oo uu ku jiro Raiisul wasaare Maeen Abudulmalik ayaa si nabad ah loo geeyay qasriga madaxtooyada waxaana warkaasi daabacay warbaahinta Sacuudiga.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qaraxyada iyo Rasaasta laga maqlay Garoonka Diyaaradaha Magaalda Cadan ee Dalka Yemen.

Wariyaha Al Jazeera ugasoo warama Dalkaasi ayaa sheegay in Qaraxyo xoogan uu maqlay “Khasaaraha tirada wali la xaqiijin laakiin ilo wareedyo ay sheegayaan in qaraxyadu ahaayeen kuwo xoogan,” ayuu yiri Mohammed al-Attab.

Sida oo kale Weriye ka tirsan AFP oo goobta ku sugan ayaa sheegay in uu maqlay ugu yaraan laba qarax markii xubnaha golaha wasiiradda ay ka baxayeen diyaaradda,” ayuu yiri weriyaha.