Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubbaland oo fashiliyay Gaari lagu dhejiyay Qarax Miino ah.

58

Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay inay ku guuleysteen inay fashiliyaan qarax miino oo lagu dhejiyay Gaari uu leeyahay mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbadda Hoose.

Qoraal kasoo baxay Nabadsugida jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciiankooda ay ku guuleysteen inay gaariga ka fujiyaan Miinada nooca Gaadiiidka lagu dhejiyay ah, hayeeshee aysan soo bandhigin Magaca Ganacsadaha leh Gaariga.

“ Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii ayaa lagu yiri” War ka ka soo baxay NISA  Jubbaland.

Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxay qaraxyo miino iyo dad lala xiriirinayo Al-Shabaab ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo iyo degaannada Ku dhow dhow.

Dhanka kale Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal loo geystay, Odayaal, guddoomiyihii rugta Ganacsiga jubbaland oo qarax lagu dilay & dad uu kamid yahay maamulihii Xawaalada Amal ee xafiiska Magaalada kismaayo.