Muxuu yahay Ujeedka Kulanka Qoor Qoor & Karaash ee Garowe? + (Xog cusub)

59

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Karaash.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Axmed Karaash ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Puntland iyo Galmudug iyo sidii loo horumarin lahaa wadashaqeynta ka dhexeeysa labada maamul.

Labada Mas’uul ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii Galmudug iyo Puntland uga qeyb qaadan lahaayeen Doorashada oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe, isla markaana waxaa halkaas uga qeyb galayaa Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeysay lagu qabanayo Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu halkaas ku sugan yahay Qoorqoor ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda qaarkood ee ka qeyb galaya Shirkaas oo looga hadli doono Arrimo kala duwan, wxuuuna furmi doonaa sida uu qorshahu yahay maalinta berrito.