Muxuu yahay ujeedka 11 magaalo dowladdu ugu daabulayso ciidanka qalabka Sida?

57

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ciidamo gaar ah u diyaarineyso Amniga Doorashooyinka, iyadoo dhawaan la filayo in dalka ay ka dhacdo doorashada heer Baarlamaanka iyo Madaxtooyo, inkastoo aan wali lagu heshiin qaabka doorashada.

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Amniga Dowladda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dowladdu qorshe gaar ah  u diyaarisay amniga doorashada, kaasoo sida uu hadalka u dhigay heshiisku ku wada yihiin madaxda dowlad gobolleedyada.

“Qorshaha amniga doorashada waa la dajiyay, waana la isku raacay,waxaa Xamar la iskugu keenay dadka ay qusayso{Maamul Goboleedyadda} waa laga wada fariistay qorshe la isku ogyahay ayaana la dajiyay” ayuu yiri.

“Ciidamo loogu talagalay ayaa la diyaariyay , dhaqaalihii loogu talagalay ayaa la diyaariyay, meel feecan ayay wax marayaan” ayuu hadalkiisa raaciyay, isaga oo intaasi ku daray “Shacabka golada jooga waa in ay la shaqeeyeeyaan ciidanka amaanka”

Ciidamada ka wada -qeybqaadanaya Amniga doorashada oo isugu jira AMISOM  iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa loo qeybin doonaan sida uu sheegay Wasiiru-Dowlaha Amniga ilaa 11 magaalo oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay loogu eedeeyay in ciidamo u adeegsatay 3 Doorasho oo ay ku guulaysteen musharixiin ay la garab taagneed taageero farsamo iyo mid dhaqaaleed.

Guddiga Doorashada lagu muransanyahay ee heer Federaal ayaa dhawaanta shaaciyay jadwal cusub oo doorashada iyada oo la faray madaxda dowlad gobolleedyada in ay deg deg u soo gudbiyaan liiska musharixiinta u tartamaya Golaha Aqalka sare.