Maxay ka wada hadleen Musharax Daahir Geelle iyo Madaxweynaha Jubbland=Warbixin=

54

Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mid ah Midowga Musharixiinta ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland wuxuu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka oo ka mid ahaa kulamada horudhaca u ah Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage ayaa waxay uga wada hadleen xaalada dalka, sida Arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho la isla ogol yahay.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay kaalinta uu ka qaadanayo dowladnimada Soomaaliya, iyaga oo ku balamay inay kulamada sii joogteeyaan.

Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweyne oo Garoowe u tegay ka qeyb galka Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.