Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Koongareyska Mareykanka ayaa weerar caro leh ku qaadday madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Donald Trump, iyada oo cambaareeysay cafis uu u fidiyay afar qandaraaslayaal ka tirsan Shirkadda amniga qaabilsan ee Blackwater, kuwaas oo loo xukumay dilkii 2007 ay u geysteen ugu yaraan 17 Ciraaqiyiin ah. 14 ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen rayid, oo ay ku jiraan laba carruur ah.
Ragga oo uu cafiska u fidiyay madaxweynaha 22-kii Bishaan Disembar, waxaa loo xukumay inay rasaas ku fureen Fagaaraha Nisour ee Magalada Baghdad 16-kii Sebtember 2007 dhacdadaas oo sababtay fadeexad caalami ah oo ku saabsan joogitaanka Mareykanka ee dalka Ciraaq.
“ Sanadkii 2001 Afar qandaraaslayaan Blackwater ah aya rasas ku fuay isgoyska dadka ku badan yihiin ee Magalada Baqdad, halkaas oo ay ku dileen 14 1of oo rayid Reer Ciraaq ahaa, Cafiska uu Mafaxweyne Trump u fidiyay Afarta Ilaaliye wuxuu ahaa fal laga xumaado ayay tiri” Ilhaan Cumar.
Tallaabaa uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka ee xilka askii dagaya ayaa waxaa ay Ilhaan Cumar noqotay qofkii ugu horreeyay ee cambaareeyay, waxaana dhacdadaas ay kamid aheyd falalka ay Ciidamada Mareykan ka geysteen dalka Mareykanka.