Guddoomiye Mursal iyo Xasan Sheekh oo Dood kulul ku dhex martay Shirka Garowe (8-da Febrayo kadib maxaa dhacaya?)

53

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo Madaxweyihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dood kulul ku dhex martay Doodii labaad ee madasha Shirka Aragti wadaaga ee ka socda magaalada Garowe.

Su’aal la weydiiyay xubnaha dooda ka qeyb galayay ayaa hayd: &Maxaa dhici kara kadib 8-da Febrayo..?, waxaana markii hore ka jawaabay guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh oo sheegay inay dhici donaan wixii dhacay sanadkii 2016 oo Baarlamaankii waqtigisa dhammaaday uu sii joogay 4 bilood, madxaweyne Xasna Sheekh-na uu sii joogay 6 bilood ilaa Febraayo la doortay Madaxweyne cusub.

Jawaabta waxaa ka hor yimid Madaxweyne Xasan sheekh oo sheegay inaysan isku mid ahayd labada xilli oo markii uu isagu ahaa Madaxweynaha Oktoobar socotay doorashadii Baarlamaanka, laakiin hadda aanay waxba socon, su’aashuna tahay haddii iyadoo aanay wax Doorasho socon la gaaro Febraayo maxaa dhici doona.

8-da Febraayo haddii doorasho aysan dhicin, waxba aysan socon Ma naqaan waxa dhacaya oo ma aha wax hore noo soo maray..&ayuu yiri Xasan Sheekh sharci arro ku tilmaamay qaabka loo ansixiyey Golaha Adeegga Garsoorka iyo magacaabidda Ra’iisal wasaare KMG ah.