Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa khudbadii uu maalintii labaad Shirka Garowe ka jeediyey kusoo hadal qaaday Arin Run umuuqataya.
Cabdi Xaashi ayaa xasuusiyey madaxda Soomaalida in ay Sharciga iyo Dastuurka Dalka uyaalla aan la baal marin.
Isagoo soo hadal qaaday sida loo wajahay Doorashada,Xubnaha Guddiga Doorashada Qaran ee Lixda Sano iyadoo udhamaan loogu daray Wakhti dheeraad ah.
Sacab ayaa udhacay sida uu run ka hadalka siyaasadeed uu ku dhaqmay Cabdi Xaashi iyadoo loo arko Waddani aan Laxaw jeceylka dalkiisa uqabo aan lala dareemin.
Kudhawaad labaatan sano ayuu siyaasada Soomaaliya kusoo jiray Cabdi Xaashi waana mid ka mid ah dadka ugu da’da weyn Ee Shirka Garowe ka qeyb galaya Ee Madasha Aragti wadaaga Soomaaliyeed.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA