Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay labo ka mid ah rag dilay Saraakiil ciidan

78

Howlgal ay sameeyeen ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa waxaa ay Maanta gacanta ku dhigeen 2 ka mid ah raggii bishaan dhexdeeda saraakiisha ciidanka xoogga dalka somaliyeed ku laayay wadada isku xirta Balanballe iyo Guriceel.

Sidoo kale waxa iyagana gacanta lagu hayaa dad u fududaynayay dhuumaalaysigooda, ragaasi dilay saraakiisha Ciidamada.

Hawlgalkan oo ahaa mid gaadmo ah laguna baacsanayay raggii falkaan ka danbeyey ayaa waxaa loo adeegsaday gaariyaasha nooca ay shacabku adeegsadaan Sida Borobokis iyo Noohho, waxaana haatan lagu raad joogaa kuwo kale oo isla goobta hawlgalku ka dhacay ka baxsaday.

Ciidanaka oo hayay xog ah inay deeganka soo galeen raggii Falkaas ka danbeyey ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku soo qaaday deeganka iyaga oo isku soo ekaysiiyay shacab adeegsanaya gaadiidka dadwaynaha waxayna halkaas ka sameeyeyn hawl gal Balaaran.

Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka somaaliyeed ayaa horay u balan qaaday in ay gacanta ku soo dhigi doonan cid walba oo falkaas ku lug ku lahayd loona maxkamadayn doono sharcigana la horgaynayo waxayna haatan u muuqdaan dadaladani kuwo looga dhabaynayo.