C/raxmaan C/shakuur oo sheegay sababta uu uga baaqdsaday Shirka Heritage ee magaalada Garowe 

47

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida musharixiinta madaxweynaha ayaa shaaciyey sababta uu uga baaqday shirka sanadlaha ee Heritage oo ka socda magaalada Garowe.

Isagoo ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu sheegaya inuu Muqdisho ugu haray inuu isha ku hayo dhaqdhaqaaqa dowladda, isla markaana dad ku filan ay jiraan shirka magaalada Garowe.

Garowe in ku filan ayaa joogta .. dadkuna inay meel wada aadaan muhiim maaha.. dadku filan oo leh madax, siyaasyiin mucaarad, musharixiin ayaa jooga& muhiim ma aha in la wada tago& Annaga waxaan rabnaa inaan idinka idinla joogno; dowladda aan isha ku heyno haddii ay xadgudub sameysana aan sheegno..& ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo la weydiiyay sababta uu u tegi waayey shirka Garowe.

Warar hore usoo baxay ayaa sheegaya in C/raxmaan C/shakuur uu shirka uga baaqday, kadib markii tuhmay inuu shirku awood badan ku leeyahay mid ka mida musharixiinta Madaxweynaha ee ay ku wada jiraan Midowga Golaha Musharixiinta.