Sida aan xogaha ku ogaanay Dawlada Hoose Ee Xamar ayaa Xubno sar sare waxa ka dhex qarxay Dagaal hoose iyadoo awooda la isku tijaabiyey.
Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa Dalka Turkiga in muddo ah ku maqan islamarkaana howsha waxaa sii wada Kusimihiisa Gobolka Banaadir.
Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa waxa la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan.
Waxay taas keentay in Taleefoon uu kusoo Waco Labada Mas’uul Gudoomiye Cumar Filish waxaana markii dambe la xaliyey Khilaafkaasi.
Inta badan Mas’uuliyiinta Xilalka ka haya Soomaaliya ayaan isku ixtiraamin Shaqada ay qabtaan,iyo jagooyinka ay hayaan,mid walbana waxa uu fiirsadaa dantiisa keliya.