Musharixiinta Hawiye oo caawa shirar xasaasi la leh madaxweynayaasha oo MD Farmaajo kutashanaayo oo kala ah

71

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta shirka uga furmay magaalada Muqdisho ayaa durba waxay isu xil saareen howlo la xiriira arrimaha guddiyada doorashada heer dowlad goboleed sida Guddiyadii Galmudug iyo Hirshabelle soo magacaabeen oo la sheegay inay xubno ka yihiin Nabadsugida iyo shaqaalaha dowladda.

Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug ayaa caawa Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh kula balansan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, waxaa ay u gudbin doonaan cabashadooda Guddiga doorashada ee Galmudug oo la sheegay inay ku jiraan xubno Nabadsugida ka tirsan.

Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug ee loo saaray inay war ka keenaan Qoorqoor ayaa waxay kala yihiin Xasan Sheekh, Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.

Sidoo kale xubnaha Musharaxiinta kale ee ka soo jeeda Hirshabelle sida Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin waxay iyana la xiriiri doonaan Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Guudlaawe, iyagoo u gudbin doona cabashadooda xubnaha Guddiga doorashada uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare oo iyana la sheegay inay ku jiraan guddigaas mid ka mid ah gacan yareyaasha Taliyaha NISA iyo xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka dowladda.

Kulanka berri ayay Musharaxiinta Madaxweynaha waxay kaga doodi doonaan waxa ay kala soo kulmaan Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ee ay caawa la balansan yihiin inay kala hadlaan arrinta Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.