Jahawareer ayaa wali ku gedaaman xaaladda gobalka Tigray ee dalka Itoobiya oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa maamulka gobalkaas ee ka amar qaata TPLF.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda mid dhagaha ka fureysanaya cadaadiska uga imaanaya wadamada caalamka ee la xiriira in xaaladda la dajiyo isla markaana wadahadall wax lagu dhameeyo.
Wakhtigii uu u qabtay hoggaamiyaasha Tigrayga inay isku soo dhiibaan ayaa dhammaad ku dhow. Ciidamada waxay sheegeen in haddii wakhtigaas uu dhammaado caawa, ay weerari doonaan Mekelle.
Haddii ay isa soo dhiibi waayaan TPLF, maxaa dhici kara?
Sida ay sheegeen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo hoggaamiyaasha ciidamada dowladda dhexe; “haddii wakhtiga loo qabtay hoggaamiyaasha gobalka Tigray ay isu soo dhiibi waayaan, waxaa dhacaya weerar ay ciidamada dowladda ku qaadayaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobalka Tigray”.
Balse dadka falanqeeya arrimaha Itoobiya, si dhowna ula socda dagaallada hadda socda ayaa sheegaya in haddi hoggaamiyaasha wakhtiga loo qabtay ay isa soo dhiibi waayaan, in dowladda aysan qaadin doonin weerar.
Waxay arrintaas sabab uga dhigayaan culeyska beesha caalamka uga imaanaya Ra’iisul wasaare Abiy, kaas oo ah in aan lagu dul dagaalamin dadka rayadka ah oo uusan dhicin wax noqon kara xasuuq.
Faysal Rooble oo wax ka qora arrimaha Itoobiya ayaa BBC Somali u sheegay: “Waxay aheyd in haddii wakhtigu ka dhaco oo ay isa soo dhiibi waayaan hoggaamiyaasha TPLF in markaa gantaallo lagu garaaci doono, iyadoon shacab iyo shacab la’aanba aan cidna loo tureynin”.
“Balantaas markuu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa soo dhex galay oo arrintaa qaylo ka muujiyay aduunkoo dhan, marka haddii ay isa soo dhiibi waayaan, aniga waxey ila tahay in qorshihii markii hore lagu tala galay ay badalayaan,” ayuu yiri Faysal Rooble
Hadalka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ah in haddii ay isa soo dhiibin hoggaamiyasha gobalka Tigray, weerar lagu qaadi doono magaalada Makelle, ayaa cabsi ku abuuray dadka rayadka taasina waxaa ay keentay beesha caalamku in ay aad uga qayliso waxa ka dhalan kara.
“Sababta ay dowladdu u badali doonto qorshihii hore waa laba arrimood awgood; midda ugu horeeysa weli Mekelle aysan soo gaariin ciidamada Itoobiya, marka ciidamada lugtu ma garaaci karaan magaalada; tan labaad waxey ila tahay in caqabad ay ku yara noqtay aduunka oo isha ku taagaya oo hadda aad iyo aad u hadal haya in magaalada oo dadku dagenyihiin la garaaco,” ayuu yiri Faysal Roole yiri isagoo sababeynaya in magaaladaas aan lagu dul dagaallami doonin.
Cadaadiska beesha caalamka wax ma ka badali karaa go’aanka Abiy Axmed?
Inkastoo illaa iyo hadda uusan wax war ka soo bixin dowladda Itoobiya oo la xiriira wax ka badal lagu sameeyay go’aankii 72 saacadood ee loo qabtay hoggaamiyaasha TPLF, haddana falanqeeyaasha arrimahaan waxay aaminsan yihiin in hadallada culculus ee ka imaanaya wadamada beesha caalamka uusan Abiy iska idha tiri karin.
Faysal Rooble wuxuu BBC Somali u sheegay in “hadallo aad u culculus oo nin kasta oo madax ah oo dagaal gali raba uu dib uga fiirsanayo ayaa lagaga dhawaajiyay, waa arrinta ah xasuuq umadeed. Qaramada idoobey, Midowga Yurub iyo dowladda Britain, intuba waxey isticmaaleen ereyo ah haddii uu dagaalka Makelle ka dhaco in uu la mid noqon karo xasuuq umadeed, marka waxey ila tahay in arrintaas ku keeni kartaa Abiy Axmed dib u gurasho”.
Balse Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa beesha caalamka waydiistay in dowladiisa laga daado faragelinta tan iyo inta ay caalamka ka waydiisaneyso caawimaad, wuxuuna intaa raaciyay in dowladiisu ay tix galin doonto talooyinka beesha caalamka.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku adkeeyo in Itoobiya ay karti badan leedahay ayna diyaar u tahay inay ku xalliso xaaladdan iyadoo la raacayo sharciyadeeda iyo waajibaadkeeda caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Maxey yihiin talaabooyinka sababi kara in go’aanka Abiy uu is bedelo?
Waxyaabaha soo dedejin kara in Abiy uu go’aankiisii hore uu wax ka bedelo waxaa ka mid ah “in madaxda Afrika ah ee hadda Itoobiya ku sugan ay tagaan magaalada Mekelle, si ay xalka u baadi goobaan taas oo keeni karta in dhinca Abiy Axmed iyo dhinac Tigrayga-ba ay u horseedi karto nabad.”
Shir ay shalay golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ka yeelan lahaayeen xaaladda dalka Itoobiya ayaa baaqday ka dib markii qaar ka tirsan dalalka Afrika ay soo jeediyeen in arrinta dhexdhexaadinta ah iyaga loo daayo si ay isugu dayaan in xaaladda la dajiyo, isla markaana la wadahadllo balse wali ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa muuqda in uu ka caga jiidayo tagitaanka Makelle si uu wadahadal ula galo hoggaamiyaasha gobalka Tigrey.
“Waxaan umaleynayaa in labaduba ay ku nabad galaan xagga Abiy iyo TPLF-ba, in Abiy oggolaado in nabadeeyayaasha ka socta Afrika la geeyo Makelle si ay jid ugu helaan madaxda TPLF ee aad hadda moodo in ay xayndaabka soo galayaan,” ayuu yiri Mar kale falanqeeye Faysal Rooble.
Balse war dhowaan soo baxay ayay Itoobiya ku sheegay in beesha caalamka aysan isku dayin “Tallaabooyin aanan la soo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda”.
Waxaa se si wayn isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin si gargaar banii’aadanimo loo gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay u diyaargaroobaan in xaaladda ay faraha la soo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.
Abiy wuxuu sheegay in dalkiisa “uu diiday in la soo farageliyo arrimaha gudaha” kana codsaday beesha caalamka “Inay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah”.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo walwal beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.
“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Muxuu Abiy Axmed ku diiday inuu wadahadal la galo TPLF?
Dowladda Itoobiya lama hadli doonto hoggaamiyeyaasha waqooyiga gobolka Tigray, si meesha looga saaro khilaafka halkaas ka jira, sidaasi waxaa BBC-da u sheegay kaaliyaha RW Abiy Axmed.
“Marnaba lama xaajooneyno dambiilayaasha… Waxaan horkeeneynaa cadaaladda, ma ahan inaan miiska wadahadalka la fariisano,” ayuu yiri Mamo Mihretu.
Iyadoo Gobolka Tigraygu uu weli ka socda dagaalka u dhaxeeya Ciidanka dowlada itoobiya iyo maamulka Tigrayga, ayaa hada waxaa caasimada Addis Ababa gaari doona wafdi Afrika ka socda, walow Xukuumada Abiy Axmed ay sheegayso in aysan wax wadahadal ah la gelynin maamulka TPLF.
Miyuu go’aanka wakhti u qabashada TPLF ku degdegay Abiy Axmed?
Gudaha Itoobiya marka la eego dadka qaar ayaa la sheegayaa in ay aaminsanyihiin in ra’iisul wasaaraha Itoobita Abiy Axmed uu ku degdegay go’aanka iyadoo dadka aaminsna fikirkaan ay sheegayaan in ay ahed in uu go’doon galiyo si marka ay tabar yareeyaan ay u oggolaadaan wahadal.
Sidoo kale go’aankaan ah in haddii ay isa soo dhiibi waayaan hoggaamiyaasha Tigray in magaalada Makelle la wareeri doono ayaa haddana dad badani rumeysanyihiin in ay wiiqi karto dadaalladii uu Abiy Axmed ku raadinayay midnimada Itoobiya ayna abuuri karta boogo dhayitaankoodu uu wakhti badan qaadan karo.
Hoggaamiyaha Tigray muxuu ka yiri 72-dii saacadood ee loo qabtay inuu isku dhiibo?
Hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa jawaab ka soo saaray 72 saacadood oo ay dowladda Itoobiya ugu qabatay inay isa soo dhiibaan.
Xilli uu sii xoogeystay dagaalka adag ee ka socdo waqooyiga waddanka Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, ayaa xoogagga gobolka Tigray iyo madaxdooaba siiyay saddex maalmood oo kama dambeys ah, si ay hubka u dhigaan dowladdana gacanta ugu soo galaan.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday sheegashadii dowladdiisa ee ahayd inay tiro aad u badan oo ka mid ah ciidamada jabhadda Tigray “isu soo dhiibeen”, inkastoo sheegashadaas aan si madax bannaan loo xaqiijinin, isgaarsiinta oo go’an awgeed.
Balse jawaabta la wada sugayay ee siyaasiyiinta majaraha u haya Tigray-ga ayaa noqotay mid aysan dowladdu ku farxi doonin.
“Waxaan leennahay shuruuc aan ku dhaqanno iyo mabaadii”, ayuu yidhi hoggaamiyaha jabhadda la magacbaxday Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Tigray, Debrestion Gebremichael.
Xaaladda gobalka waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa u muuqata mid cakrin waxaana dad badan oo rayad ah dagaallada halkaa ka socda ay ku qasbeen in ay naftooda la baxsadaan iyagoo si maalinleh ah u gaaraya dalka ay dariska yihiin Itoobiya ee Suudaan.