Sacuudiga oo xaqiijiyay xilliga ay dadka ajinabiga ah imaan karaan cumrada.

85

Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa ajaanibta ahba u ogolaaneyso iney gutaan cumrada sannadkan markii ugu horreeysay tan iyo markii uu bilowday fayraska corona.

Boqolaal qof oo muwaadiniinta Sacuudiga ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib toddobo bilood oo loo joojiyay sababo la xiriira fayraska corona.

Wajiga koobaad ilaa lix kun oo qof ayaa loo ogolaan doonaa iney acmaashooda ku gutaan misaajidka weyn ee Maka, waxaana marba marka ka sii dambeysa la kordhin doonaa tiradaasi ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo.

Dadka cumreysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xirtaan maaskarada wajiga isla markaanaa ilaaliyaan kala fogaanshaga bulshada.

Dhanka kale misaajidka ayaa waxaa maalintiiba la nadiifin doonaa ilaa toban goor.

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa in xujeyda ajaanibta ee ugu horreysa loo ogolaan doono bilowga bisha nofeembar ee sannadkan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sannadkan ka mamnuucday dadka debedda ah in ay soo xajiyaan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona.

Kaliya tiro aad u kooban oo ku nool boqortooyada ayaa gutay waajibaadka xajka, sida markii horeba lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina si ay uga u soo xajiyaan waajibadka sannadlaha ah ee diinta Islaamka.

Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo.

Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaaday inay soo xajiyaan.

Waa maxay Xajku?

Xajka gudashadiisu waa ugu yaraan hal mar waana mid ka mid ah Shanta tiir ee Shareecada Islaamka – shantaas waajib oo ah ah in qofkasta oo muslim ah, oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla mar ahaantyaana awoodi kara, ay tahay inuu falo si uu ugu noolaado nolol wanaagsan, sida ay qabto diinta Islaamka.

Xajka ayaa loo aadaa magaalada Makka si ay dadku u hor istaagaan dhismaha loo yaqaan Kabcada, iyagoo falaya cibaadooyin loogu talo galay oo ay ka mid tahay in la ducaysto.

Xigasho:BBCSomali