Dhawaan ayaa lagu wadaa in xubnaha ka qeyb galay heshiis Siyaasadeedkii kismaayo October 2019 ay iskuwada arkaan Muqdisho.
Laba Shariif,Xasan Sheekh,C/taxman Cabdishakuur,Cabdikiriin Guuleed iyo Axmed Madoobe ayaana fadhi yeelanaya.
Waxa laga arinsanayo ayaa ah qabashada Doorashada Iyo hankooda shakhsiga la iskugu geyn lahaa.
Siyaasada saaxiib joogto ah malaha balse dan joogto ah ayey leedahay sidaa awgeed waxa laga yaabaa sanad kadib in sidii aysan aheyn xaalku.
Sheekh Shariif oo Dalka ka maqan in muddo ah ayaa dib usoo noqon doona iyadoo Guuleed isna imaan doono.
Waxay ubadan tahay in qob moos la isku taraarixin doono oo Siyaasad murashax walbo wato.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa ka feejigan dhaqan grelinta Heshiiskii Kismaayo ka dhacay sanadkii hore oo gaashaanbuurta jilbo weynta isku baheysteen.
Culeyska ayaa ku kordhi doona Madaxweyne Farmaajo tan iyo Kheyre riditaankiisii,fuursade oo meesha ka baxay balse Fahad Yaasiin oo saaxiib dhaw u ah ayuu heystaa laacibna ku ah kala dhantaalka awoodaha isku taga.