Dhega yaraha ( Qalin furka ) waxa uu ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Myrtaceae wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa Jasiirada Maluku ee dalka Indonesia, dhega yaraha waxaa ganacsi ahaan u beerta dalalka Bangladesh, Indonesia, India, Madagascar, Pakistan, Sri Lank Zanzibar ( Tanzania).

FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO DHEGA YARAHA WAXAA KA MID AH:

• Dhega yaraha waxa uu la dagaalamaa cudurka KANSARKA.

• Dhega yaraha waxa uu kahor tagaa cudurada kudhaca BEERKA.

• Dhega yaraha waxa uu ilaaliyaa heerka cudurka SOKORTA.

• Dhega yaraha waxa uu kor u qaadaa HABKA DIFAACA JIRKA.

• Dhega yaruhu waxa uu caawiyaa DHEEF SHIIDKA.

• Dhega yaraha waxa uu daweeyaa CUDURADA AFKA.

• Dhega yaraa waxa uu adkeeya LAFAHA.

•Dhegayaraha waxaa laga helaa Fiitamiinada kala ah : A,C, E, K, B3 ( Niacin ) iyo B2 ( Riboflavin). • Dhega yaraha waxaa laga helaa Macdanta kala ah :

Potassium,Calcium,Sodium,Magnesium,Phosphorus,Iron iyo Zink.

Muse Mohamed Osman.

E- Mail : [email protected]