Astaanta Babaadir State

Astaanta Babaadir State

Haddii la dhahay soomaali oo dhan ayaa iska soo sharixi karta waxay ku tusineysaa in gobolku yahay goob dadka dhan ka wada dhaxeysa. arintaasna waxay kor u qaadeysaa sumcadda dadka degan gobolka, maadaama haddaba ay Dawladu degan tahay.

Haddii gobolada kale iyagane la dhihin qof aan u dhalanin iskama soo sharixi karto, taas micnaheeda waxa waaye qof u dhashtay gobolka Banaadir waa iska soo sharixi karaa Boosaaso, Kismaayo, Baydhabo I.W.M.

markaas gobolka Banaadir xubno siyaado ah oo u gaar ah ayuu dheeryahay gobolada kale ee dalka, arintaas waa positive.

Doorsho qof iyo cod maadaama la dhahay jaanis badan ayaa ugu jira dadka degan gobolka benaadir, Sababtoo ah dadka degan waxaa ay dooran karaan tiro badan oo dadka deegaanka u dhashay hadey isa soo sharaxayaan.

Tusaale ahaan haddii qof ku dhashtay hargeysa uu isku soo sharaxo gobolka benaadir, isla kursigaas uu isku soo sharaxo qof u dhashay degmada wadajir oo aan aniga ku dhashtay, waxaan hubaa in dadka degan degmada ay u codeyn doonaan kan ay yaqaaniin oo ku soo dhex koray ee u dhashay gobolka Banaadir

Marka dadka degan gobolka cod waa ay heystaan ee yeysan ka baqin qof gobol kale ka yimiday oo dad dhan u joogin Xamar iyaga ayaa ka badan. Kana cod bad in doona.

Aniga waxaan u arkaa maadaama laga gudbaayo marxaladii dagaalada sokeeye gobolka benaadir na uu ahaay halkii ugu dhibka badnayd asaga ha laga bilaabo ka dibna gobolada kale ee dalka ha lagu faafiyo nidaamkan, Markaas waxaa naga dhammaanaya qabiilka iyo kala qoqobnaanta na haysatay mudada dheer.

Qof walba oo soomaali ah waa in uu isku haleeyaa codka dadweynaha, oo uusan isku haleynin codka qabiilkiisa.

Dadka arintan mucaaradsan waa soo dhaweynaa, balse waxaan dhihi lahaay ha noqonina sida madaxweyne tramp oo naceybka uu u qabo ilhaan cumar ku sheegay in aysan ameerica u dhalanin.

Hadaan si kale u dhigo gobolka Banaadir oo aan ku dhashtay kuna soo bar baaray markaan soo caqliyeystay ilaa iyo hadda waxaa ku dagaalamayay dad sheeganaayo in ay u dhashteen oo bur buriyay walina wada.

Laga yaabee mid ka yimiday magaalo kale oo dhisan in uu hagaajin doono sida halka uu ka yimiday oo kale.

Dawlad kasta oo timaada gobolka Banaadir wax ay u soo magacaabeysay qof u dhashtay hadane wax weyn oo gobolka ay ka qabteen lama arko.

Ugu danbeyn waa in meel dheer aan wax ka fiirino ayaa haboon.