Post View....

XOG:MD Xaaf oo la Ogaaday waqtiga rasmiga ah uu gaarayo Dh/mareeb & Qorshihiisa dhabta ah

0
52

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Dicaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in maalint axadda ee todobaadka soo socda uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Xaaf ayaa socdaalkiisa Dhuusamareeb waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo maalmihii u dambeeyay wada hadalo kula lahaa magaalada Gaalkacyo oo uu fadhigiisu uu yahay.

Xaaf ayaa sida qorshuhu uu yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxweynaha dooran ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor si loo dhammeustiro heshiiskii lagu dhammeyn lahaa tabashooyinkii uu ka qabay doorashadii Galmudug ee ka dhacday Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Mr. Qoor Qoor ayaa la soo baxay siyaasad cusub oo uu kula saaxiibayo dhammaan saamileyda Galmudug ee mucaaradsan.

About Author