Post View....

XOG: Farmaajo & Kheyre oo damacsan mudo kororsi qiil looga dhigo Corono Virus

0
57

Xisbiyada mucaaradka Dowladda ayaa walaac xooggan ka muujinaya in mudo kororsi ay sameyso Dowladda Federaalka uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo,xilli uu dunida fara ba’an ku hayo Cudurka Corono Virus.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madasha Xisbiyada Qaran kulan ay ka leeyihiin xaaladda dalka iyo sida ay ka yeelayaan haddii Xukuumadda ay qorsheyso mudo kororsi aan sharci ahayn.

Soomaaliya ayaa laga helay Kiisas ku saabsan Cudurka Corono Virus,kaas oo sabab ka dhigi kara in Dowladda dib u dhigto doorashada 2020-21,taas oo mudo badan ay ka digeen Xisbiyada mucaaradka dalka.

Qaar ka mid ah dalalka deriska ayaa dib u dhigay qabsoomida doorashooyinka sababo la xiriirka Kiisas cudurka Corono oo dalkooda laga helay.

About Author