Post View....

XOG: Fahad Yaasiin Oo Wada Qorshe Halis Ku Ah Wariye Haaruun Macruuf

0
100

Taliyaha nabad sugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah Milkiilaha saddexaad ee Dowladda Farmaajo ayaa diyaarinaya dacwad ka dhan ah Wariyaha caanka ah ee Haaruun Macruuf oo fadhigiisu uu yahay magaalada Washintong ee caasimadda dalka Mareynkanka.

Fahad Yaasiin ayaa Booliska Interpol la kaashanaya sidii loo soo xiri lahaa Wariye Haruun Macruuf,warar kale oo aan heleynana waxay sheegayaan in taliyaha Nabad sugida Qaranka uu qorsheynayo inuu Mareynkanka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Wariyaha.

“ Haaruun Macruuf oo ka mid ah wariyeyaasha VOA, ayaa lagu eedeeyay inuu gacanta kula jiro warbixino khatar ku ah amniga Qaranka loona baahan yahay in laga hortago.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wariyaha uu dhammeystiray xog ku aadan qaabka loo qorsheeyay dilkii Alle ha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir ahanaa Duqii Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow,kaas oo sababsaday qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Siyaasiyiin caan  ah ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay eedeynta NISA ay u jeedisay Wariye Haaruun Macruuf,waxayna cambaareyn dusha kaga tuureen Hay’adda.

 

About Author