Post View....

Wararkii Ugu Dambeeyay Mas’uul Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Lagu Dhaawacay

0
89

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo Maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo lagu dhaawacay Mas’uul.

Qaraxaas ayaa waxaa lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo uu leeyahay Wakiilka Wasaarada Maaliyada Puntland u qaabilsanaa Gobalka Mudug, waxaana gaariga uu qarxay xili uu mararay bartahama Gaalkacyo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu dhaawac Culus kasoo gaaray Mas’uulka loogu soo xiray gaarigiisa, waxaana durbo loola cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla halkaas.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in qaraxa dhaawac uu kasoo gaaray qof shacab ah oo goobta ka Agdhawaa xiligii uu qaraxu dhacayay, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland, iyagoona aaga xiray.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay inta badan fuliyaan rag dhalinayro, waxaana falalkaas sheegta Al-shabaab.

 

About Author