Post View....

Taliye Ka Tirsan Puntland Oo Is Casilay Iyo Sababta Oo La Shaaciyay+Akhriso

0
81

Taliyaha Saldhiga dhexe ee Degmada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ee Punland Cabdiqani Xaabuun Shirdoon ayaa ku dhawaan inuu xilka iska Casilay, isagoona faah faahin ka bixiyay waxyaabaha  keenay inuu is Casilo.

Sababta uu isku Casilay Taliye Cabdiqani Xaabuun ayaa waxaa uu ku sheegay inay tahay in laga Jawaabi waayay baahiyaha aasaasiga ee uu baahnaa Saldhiga dhexe ee Gaalkacyo, isla markaana uu Go’aan ku gaaray uu shaqada ka isaga tego.

Warqada Is Casilaada Taliyihii Saldhiga dhexe ee Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku taariikheysneyd 30-ka Bishii lasoo dhaafay ee Maarso ee 2020, waxaana uu u mahadceliyay dadkii ay isla soo shaqeeyeen.

Ugu dambeyn Taliye Cabdiqani Xaabuun Shirdoon ayaa amni iyo guud u rajereyay shacabka Gobolka gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Maamulka Puntland

 

 

About Author