Post View....

Qoys Soomaaliyeed oo ka qeybgeli waayay aaska wiilkooda oo Corona u dhintay

0
51

Qoyska wiil Soomaali ah oo u dhintay xanuunka Coronavirus ayaa ka qeybgeli waayay aaskiisa oo lagu qabtay magaalada London kadib markii laba ka mid ah walaaladii lagu arkay calaamadaha corono taasoo sababtay in la karantiilo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay qoyska.

Ismaaciil Maxamed oo 13 jir ahaa ayaa Isniintii ku dhintay isbitaalka King’s College ee magaalada London.

A mourner watches as the coffin is lowered into the ground during the funeral in the Eternal Gardens Muslim Burial Ground, Chislehurst of Ismail Mohamed Abdulwahab

Jimcihii ayaa la aasay balse hooyadii iyo lix walaaladii ah ayaa ku jira karantiil umana suraglin inay aaskiisa ka qeybqaataan.

Qof u hadlay qoyska ayaa sheegay in ‘ay aad uga murugoodeen” inaysan ka qeybgelin aaska wiilkooda balse waxaa la sheegay in loo diyaariyay qaab muuqaal ah inay toos uga daawadaan aaska internet-ka iyagoo gurigooda jooga.

Wiil Soomaali ah oo noqday ‘qofkii ugu da’da yaraa ee UK ugu dhintay coronavirus’

A prayer is said at the funeral in Chislehurst of Ismail Mohamed Abdulwahab, 13, from Brixton, south London,Lahaanshaha sawirkaPA MEDIA
Image captionSalaada janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan uusan u faafin

Marxuumkan da’da yar waxaa la aaminsan yahay inuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee coronavirus ugu dhintay gudaha UK.

Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in dhimashada wiilkan yar loo sababeeyay saameynta xanuunka corona, laakiin wax faah-faahin dheeri ah ma uusan bixinin.

Qoyska Ismaaciil oo bayaan ay soo saareen uu shaaciyay qof saaxiib la ah ayaa sheegay “inay musiibo weyn ku tahay” geeridiisa.

Burial groundLahaanshaha sawirkaPA MEDIA
Image captionWaxaa la aaminsan yahay in Ismaaciil uu u dhintay xanuunka Coronavirus

Waxay intaas ku dareen inuusan horay u qabin cudurro muuqday oo dhibaato ku ahaa caafimaadkiisa, wixii ka horreeyay isbuucii hore oo laga helay Covid-19.

Qoyskiisa waxay ku sheegeen inuu haa ”wiil naxariis badan misana lahaa dhoolacaddeyn diiran”

Waxay dadweynaha ugu baaqeen inay dhageystaan talooyinka dowladda sida kala fogaanshaha bulshada.

In ka badan £67,000 ayaa qoyskan loogu uruuriyay bogga GoFundMe oo uu furay Mark Stephenson oo ah afhayen u hadlay qoyskan.

About Author