Post View....

Hambalyo iyo Hubsasho. Deyn kale miyaa la cafiyay?

0
60

Haba kugu dheeraatee, dhabta ogoow,haddaad doontana iska dhaaf.

“Runta oo la igu Naco, ayaa iiga wanaagsan Beenta oo la igu Jeclaado”.

Waxaan ugu Hambalyeynayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiisheeda Dadaalka ey muujiyeen iyo waddada dheer oo ey u mareen sidii wax looga qaban lahaa deynta nalagu leeyahay, iyo ugu dambeeyn in ey qaateen taladii aheyd: intii Bangiga Aduunka iyo Heyadaha kale lagu mashquuli lehaa in toos ey ula xiriiraan Cidda Deynta nagu leh, taa oo aheyd talo Dad badani ey u soo jeediyeen mar hore.

waxa aan la yaabanahay Wasaaradu ma waxa eyna kala fahmin kalmadaha Maaliyadeed ee Debt relief, cancelation, arrears , interest etc, macnaha Luuqad ahaan loo isticmaalo iyo macnaha dhaqaale ahaan loo isticmaalo. Mise iyagaa si kale Dadka ugu sharxayo, Ma waxa eyna fahmin Go’aanka Paris Club oo ahaa :

( 31 March 2020 Paris Club agrees to restructure Somalia’s debt, including immediate canceling $1.4 billion. This leads to the immediate non-ODA debt cancellation of US$ 1.4 billion in debt owed by Somalia to Paris Club creditors. Somalia is expected to reach its HIPC completion point by 31 March 2023).

Inteey uga qoran tahay deynaa la cafiyay ka hor Marka aan buuxinay 9 shardi ee HIPC ee nalaga sugayay ilaa bisha 31 March 2023. Haddii Anniga lafteeydu aanan fahmina bal i fahamsii.

Waan jecelahay in Dalkeeyga laga cafiyo Deynta oo dhan, sida Qof kastaba u jecel yahay , Laakin waxaa jiro kuwa aan fahmin waxa laga hadlayo, ama fahmay laakin aan rabin in ey runta ka sheegaan. haddii arrimaha deynta Runta aad ka sheegto waa lagu leeyahay: Mucaarad ayaad tahay, waxaad ka nexee Horuumarka la gaaray iyo ka aamus Adigu sidii la rabo haloo macneeyee.

Lacagta asalkaa ee nalagu lahaa waqtigii kacaanka iyo ka hor, aad iyo aad ayey u yar tahay, waxa nalagu heysto waa Dulsaar iyo haddii aad mudadaa ku bixin weydo aad ayaa loo laalaabayaa waxa laguugu leeyahay. Waan ku faraxsanahay in la soo hadal qaadao $1.4 aheyd tan ugu adag ee 1980aad kii , iyo Dowladaha qaar in ey yiraahdeen waan cafineeynaa inta aan ku laanahay Somaliya oo dhan 6-8 sanno kadib.

“Runta oo la igu naco, aayaa iiga fiican beenta oo la igu amaano”.

Ogoow fursadaan hadda laguugu ogolaanayo in aad wax qaadan kartid ma ahan in ey ku Cajab galiso oo aad hadda uun ka fikirto, u nax Jiilka dambe. Ogoow Deyntu Muddo dheer ayeey ku daba soconee ( F.S: 1 & 2aad)

Bal aan dib u xasuusano.

Xasuuso Xaqiiqda aan soo marnay, Mashruucii FAI (Fondo Aiuto Italiano) waxa uu ka koobnaa 114 Mashruuc oo lagu maal galinayay in ka badan US$ 1 billion oo lagu hirgalinayay PIP( Public Investment Programs) 1981-1990kii. intuu ku dambeeyay?. Maxaa lagu qabtay?. Howshaana in la qabtay ayaa noo qoran. waxaa ka mid ahaa $ 600 million oo ku baxday Mashruucii Biya xireenka Baardheere. Meel ku sheeg? Waxaa kale oo jira in $ 250million oo ku baxday wadada isku xirto Garowe –Bosasso “ taa ayaaba raad leh, inksta oo kharaja iyo cidda qandaraaska la siiyay su’aalo ka imaan karto”. Waxaa ka mid ah $ 40 million oo lagu dhisayay Isbitaalaka degmada Qoryooleey, weli Qoryooley ma ku aragtay Isbitaal ey ku baxday $40 million? waxaa ka mid ah $95 million oo lagu dhisay warshad aan howsheeda la arag oo ah warshada Urea plant , warshada Bacriminta ,qoraalka Lagctaa oo faahfaahsan waxaad ka heli harta meela badan ama Cinwaanka The Italian Connection: How Rome helped ruin Somalia’, Washington Post, 24 January 1993, waa sida Rome ( sida Talyaanigu u burburiyay ama u kharibay Somalia ) ,waxaa qoray Wolfgang Achtner. Dad badan oo Somaliya ayaa arrintaa la socdo, laga yaabee in aad Akhristoow Adiguba aad iiga xog ogaalsan tahay.

Waxaa Lacag lagu bixiyay Jaamacadii Ummadda oo Macalimiinta Talyaanigu ey waqtigaa mushaar ahaan u qadanayeen $ 16,000-20,000 bishiiba ,macalimiinta somalida maxaa la siinayay? Ileeyn waa lacag aan Annagu leenahaye. Hadda meeqaa qaadato $16,000-20,000, yaa loo xisaabinayaa Lacagtaa?.

Bishii Febraayo 1988 waxaa la smeyay Mashruucii naaxinta Lo’da oo lagu maal galiaya $4 million si xoolahaa loogu iib geeyo Dibadad laguna soo bedesho Lacag adag oo dhaqalaha lagu kabo, laakin 3,500 oo aheyd lo’dii ugu horeeysay waxaa loo iib geeyay Dalka Yaman halkii Lacag lagu soo belan lahaa, waxaa lagu soo bedelay Hub.

Aawday $ 450 Million ee Raisul wasaarihii Talyaaniga Mr. Craxi uu balan qaaday in nalgu siinayo 2 Sanno gudahood, markii uu yimid Somalia 1985.

Xasuus Dambe.

Xasuus dambe oowday US$ 110 miilion oo 1992dii Operation Restore Hope ey ku bixiyeen Qandaraasyada ,yaa qaatay?.

Aawday $1.5 Billion ey UNOSOM ku bixisay 1993-1995 Daabulidii Raashinka la geeynayay Gobalada iyo bakhaarada? Yaa qaatay. Yaa loo xisaabinaa?.

Aawday US$ 200 million oo Sannadkii 2009 ey WFP ku bixisay raashin la daabulay, inteey ka baxday? Yaa loo xisaabinayaa?

Aawday laga soo bilaabo 2012 illaa hadda, Lacagtii macaawinada ee loogu talagalay infrastructure and stabilization projects oo ka badneed US $ 1 Billion oo aan ka helnay World Bank, EU iyo UNSOS. Yaa loo xisaabinayaa?.

Soow ma haboona in la is weydiiyo Lacagtii aheyd $50 million ee wadamadaa khalijku ey siiyeen Dowladii TNG Sannadkii 2000, sow ma haboono in wax la iska weydiiyo wixii macaawino ahaa ee nala siiyay intii u dhexeeysay sannadihii 2000 illaa 2020.

Soow ma haboono in Jiilka cusub Runta loo sheego, kuwa dambena aan Culeeys dusha laga saarin.

Ogow Qaf ahaan si shakhsi ah ayaan isku naqaan 10 masuul ee ugu sareeyso Wasaarada Maaliyada , taa macnaheedo ma ahan in aanan weydiin Karin waxa naga dhexeeyo. In aan wax weydiiyo macnaheedu ma ahan in aan cid mucaarad ku ahay, ama aanan ku faraxsaneyn in deyn nalaga cafiyo. Liikin su’aasha ayaa ah dhab ahaan wax ma nalaga cafiyay? Hadii ey jirto si waaqica ummadda ha loo fahamsiiyo.

FG: waxaan u hambalyeeynayaa Masuuliyiinta Maaliyada ,waddada dheer oo ey u mareen sidii mustaqbalka deyn nalooga cafin lahaa. Sababta aan Wasaarada Maaliyada wax u weydiinayo ha u qaadan si kale. Haddii aan baran lahaa Culuunta Beeraha, Amniga, Caafimaadka, ama Xanaanada xoolaha, wasaarada ey khuseyso ayaan wax ka weydiin lahaa sida Aqoon yahanka kale. Laakin Cilmiga Dhaqaalaha ayaan wax yar ka bartay, taa ayaa keentay in aan su’aalo ka keeno arrimaha Maaliyada iyo Dhaqaalaha. Wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimana ku dar, Arragtidaada xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir

About Author