Post View....

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan oo sheegay Cidamo ka amar qaata Madaxweyne Waare in ay soo weeraren

0
67

Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan ee dhawaan xilka qaadista lagu sameeyey Cali Muxumed Carraale ayaa sheegay in Maanta ay weerar kusoo qaaden Cidiamo ka amar qaata Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtey Magaalada Beledweyne ayuu sheegay in saakay ay weerar kusoo qaadeen Ciidamada Madaxweyne Waare,isla markaana wixii dhibaato ah ee ka dhasha uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in 48 Saacadood Gudahood ah ay kusoo faragelsio xaalada cakiran ee ka taagan Magaalada Beledweyne.

Hadalka Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta Xarunta Maamulka uu shir kula qaaatey Guddoomiyaha Cusub ee aan xilka la wareegin mas’uuliyiinta kale ee Maamulka.

 

About Author