Post View....

Bandow xalay ka dhaqan galay Magaalooyinka Puntland & Cabsii laga qabo alshabab iyo Daciish

0
64

Waxaa xalay si rasmi ah uga dhaqan galay magaalooyinka Puntland Bandow lagu soo rogay xilliyada habeenkii, kaasoo soconaya muddo 15 cisho ah.

Bandowgan ayaa qeyb ka ah mid looga hortagayo cudurka Coronavirus, iyadoo la joojiyay isu imaatinka dadka xilliyada habeenkii iyo goobaha lagu caweeyo.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland sida Garowe, Boosaaso, Qardho, Waqooyiga Gaalkacyo, Carmo iyo deegaano badan ayaa Bandowga ka dhaqan galay, waxaana uu bilowday 6-dii maqribnimo, kuna ekaa 5-ta subaxnimo.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkay waddooyinka magaalada, kuwaasoo fulinaya amarka Madaxda Puntland, isla markaana la socday dhaq dhaqaaqyada magaalooyinka, si ay u xaqiijinayaan dhaqan galka bandowga.

Taliyaha Qeybta Booliska Puntland Jen. Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Bandowga uu xalay ka dhaqan galay guud ahaan deegaanada Puntland, isagoo xusay in xilliga bandowga uu socdo kaliya la fasaxay inay socdaan Mas’uuliyiinta xilalka haya iyo wariyeyaasha doobaya inay warbixin ka diyaariyana sida uu u dhaqan galay Bandowga.

Bandowgii xalay ayaa hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee xilliyada habeenkii isaga kala gooshayay deegaanada Puntland, waxaana la joojiyay in gaadiid soo galo deegaanada xuduudaha ee Puntland inta uu socdo Bandowga.

 

About Author