Post View....

XOG:MD Qoor Qoor oo si xeeladeysan ula heshiiyay mucaaradkii ugu waa weyn ee Galmudug

0
50

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ” Qoor Qoor” ayaa u muuqda mid ku guuleysanaya siyaasadii cakirneyd ee in mudo ah ka taagneyd Galmudug,taas oo curyaamisay horumarkii iyo baahinta adeegyada Bulshada.

Saamileyda siyaasadeed kuwooda ugu tunka weyn Galmudug ayaa hadda wada qorshe ay kula heshiinayaan maamulka cusub ee Galmudug si horay loogu sii dhaqaaqo oo laga gudbo is faham waaga mudo shacabka ragaadiyay.

Xildhibaano mucaarad ah oo ku kacsan Dowladda Federaalka,islamarkaana ka biyo diiday natiijadii doorashada Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb u gaaray kulan dib u heshiisiin ah oo la doonayo in laga xasilayo Galmudug,islamarkaana laga gudbo khilaafka jira.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor uu ku guuleystay inuu dhigo gogol dib uheshiisiineed taas oo la doonayo in la isugu soo dhoweeyay siyaasiyiinta Galmudug ee siyaasadda ku kala fogaaday.

Wadahadalo todobaadyadii u dambeeyay socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubnaha Mucaaradka ayaa la isku afgartay in dib u dib heshiisiinta deegaanka laga shaqeeyo dhinacyada salluugsanaa hannaankii doorashada madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo.

Wada hadaladaas ayaa ka dhashay in Guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb waxaana waxa ayna isla maanta ka kulmeen Madaxweynaga Galmudug Axmed Cabdi kaariye.    

About Author