Post View....

Wasiir Islow:-“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif

0
71

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ay fariisin ka dhigteen guriga uu Muqdisho ka deganyahay Madaxweynihii 7 aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed hadana ah hoggaamiyaha xisbiyada Madasha qaran ee Soomaaliya

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam” ayuu faafiyay bartiisa  bulshada Wasiirku.

Maxamed Abuukar Islow Ducaalle Wasiirka amaanka Soomaaliya ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn u jeedkiisuna yahay colaad ka dhexdhigo Dowladda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur”.

“Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah in ay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro” Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey in uu isaga ka dambeeyo Ciidamada habeenadaan tagayey guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay in ay tahay dhiilo coleedeed oo laga dhex abuurayo bulshada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!” Ayuu Xildhibaanku ku qoray bartiisa gaar ah.

Muddo ka badan 24 saac waxaa magaalada Muqdisho aad looga hadal haayay in Dowladda Soomaaliya Ciidamo gaysay wadooyinka laga galo guriga uu Muqdisho ka daganyahay Madaxweynihii 7 aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

About Author