Post View....

Wararkii ugu danbeeyay Dil Ka Dhacay Dhuusamareeb Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0
57

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegaayn in halkaas Goordhow lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.

Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa warbaahinta  waxaa ay u sheegeen in Askariga uu dilka u geystay mid kamid ah Ilaalada Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaas.

Sidoo kale dilka Askariga Ciidanka dowladda ayaa waxaa la tilmaamay inuu yimid kadib markii Askariga iyo kan ilaalada ahaa uu soo kala dhex-galay muran kooban oo aan wax faah faahin laga bixin.

Ciidamo ka tirsan dowladda Feederaalka ayaa durbo gaaray goobta uu falka oo aheyd agagaarka guriga uu Magaalada Dhuusamareeb ka degan yahay  Sanoter Dhageey, iyagoona halkaas kasoo qaaday Meydka Askariga.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ay uga hadlayaan dilka loo geystay Askariga ka tirsanaa Ciidanka, kaasi oo uu toogtay Askari kale oo kamid ahaa ilaalada Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey.

 

About Author