Post View....

Taliska Ciidanka Xooga Oo Sheegay Inay Ka Hortageen Weeraro Kaga Yimid Al-Shabaab

0
68

Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in Al-Shabaab deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Baay & Bakool ay dhowr jeer kula dagaalameen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Ciidamada Dowladda ay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaannada,Buur eyle,Walag iyo Xawaal Barbaar deegaannadaas oo uu sheegay inay horey dadka ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha waxaa hadalkiisa uu intaasi ku darey in tira ka dhowr jeer ay Al-Shabaab kasoo furteen Xoolo ay dad Shacba ah si awood ah uga soo qaateen iyo hub farabadan,waxaana uu sheegay in howlgalka ka dhanka ah uu sii socon doono.

Si kastaba hadalka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer ay Al-Shabaab weeraro ku qaaden Saldhigyo Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

 

About Author