Post View....

Qofkii ugu horeeyay oo soomaali ah oo caawa u geeriyooday Norway Corona-virus.

0
52

Sida ay Badweyn u xaqiijiyeen ehelada iyo saaxiibadiisa gaarka ahaa, waxaa caawa geeriyooday qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee ilaa hada inta la ogyahay u geeriyooday xanuunka Corona-virus.

Marxuumka geeriyooday ayaa ahaa oday waayeel ah, oo xili da´aad danbe kujiro, wuxuuna ahaa AHU oday aad looga yaqaanay, laga qadariyo xaafada Tøyen ee soomaalidu ay ku badantahay ee Oslo.

Waxaana naloo xaqiijiyay in marxuumka dhintay uu isbitaalka yaalay maalmihii ugu danbeeyay, kadib markii ay neeftu ku dhagtay xanuunka owgiis.

Ilaa 10 qof oo kale oo soomaali ah ayaa sidoo kale naloo xaqiijiyay inay isbitaalada Oslo u yaalaan xanuunkan oo soo ritay owgiis.

Wixii warar kusoo kordh arrimahan dib ayaan kasoo galin doonaa.

About Author