Post View....

OGEYSIIS: Fa’iidooyinka Fitamiin D iyo saameynta Cudurka Coronaha

0
86


Ogaysiis “Fa’iidooyinka Fitamiin D hoos u dhigga caabuqa ee neef-mareenka iyo ka hortagga Koronaviruska waxyeelada sambabbada.”

Waxaan fariin garsiinaya dhamaan Soomaalida meel walbo ay ku nool yihiin, gaar ahaan kuwooda ku nool wadamada qaboow Mareekanka, Kanada, Europe iyo meelaha kale oo qoraxda ku yar tahay in ay qataan fitamiin D, waayo Saynisyahano ka socda Jaamacadda Turino ee Dalka Talyaaniga ayaa ku talinaayo in la qaato fiitamiin D si loola dagaallamo cudurka faafa ee coronavirus.

Xogta ugu horreysa ee la soo aruuriyay maalmahan waxay muujineysaa in bukaannada Koronaviruska ee isbitaalada ku jira ay qabaan fiditaan aad u sarreeya oo ah
hypovitaminosis D.

Fitamiin D marka uu jirka ku yar yahay waxaa looga hortagaa iyada oo qoraxda lays ku dhigo saacadooyin ama inta ugu badan ee suurta galka ah, iyadoo la cuno cuntooyinka hodanka ku ah fitamiin D-ga.
Dukumintiga ay qorayaashu soo saareen waxay u soo jeedinayaan dhakhaatiirta, iyaga oo talaabooyinka caanka ah ee looga hortago Cudurka Koronaviruska in fitamiin D lagula taliyo in ay qataan bulshada gaar ahaan, kuwa cudurka qaba, eheladooda, shaqaalaha caafimaadka, dadka da’da ah ee liita, martida guryaha daryeelka, iyo dhammaan kuwa sababa kala duwan aan qoraxda ka faa’iidaaysan.

Bukaanada qaba Koronavirus ee aadka u liita oo dhib culus kala kulmo neefsashada waxaa loo adeegsan karaa Fitamiin D Calcitrol oo laysku duro.

Saamayn weyn ayuu fitamiin D ku leeyahay hoos u dhigga caabuqa ee neef-mareenka iyo ka hortagga Koronaviruska waxyeelada sambabbada.

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.

About Author